Kenyatta oo u ganbiyay shir looga hadli lahaa Somalia iyo la-yaab…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa si lama filaan ah uga baaqday shir muhiim u ahaa Soomaalida ku dayacan dalkiisa oo ay qabanqaabisay QM kaasi oo ka dhici lahaa magaalada New York.

Kenyatta oo horay u aqbalay ka qeybgalka shirkaasi ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka biya diiday inuu ka qeybgalo, iyadoo lagu qasbanaaday in shirkaasi bedelka Kenyatta uu ka qeybgali ku-xigeenkiisa William Ruto.

Shirkaani ayaa waxaa looga arrinsanayaa xal u helida arimaha biniaadanimo ee qaxootiga ku dhaqan xeryaha Kenya, gaar ahaan kuwa Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.

Madaxweyne Kenyatta ma uusan sheegin sababta uu uga baaqsaday shirkaasi, waxaase la sheegayaa inuu ka didsan yahay su’aalaha kaga imaan doona shirka iyo ballanqaadyo dhowr ah oo ku aadanaa inuusan sameyn doonin dib u celin dhanka Qaxootiga Somalia, isagoo qodobkaasi dhaqaale culus kaga qaatay dowlada Mareykanka iyo Hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda.

Shirkaani uu ganbiyay Uhurro Kenyatta ayaa waxaa martigelin doona Golaha Guud ee QM oo ahmiyad taagan u aragta ka hadlida qaxootiga iyo muhaajiriinta.

Ujeedka ugu ballaaran ee Golaha Guud ayaa ah in la isku keeno wadamada hab biniaadanimo oo si isku dubaridan wax looga qabto arimaha qaxootiga.

Ku-xigeenka Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa waxbadan shirkaasi looga weydiin doonaa sida ay dowladiisa ula dhaqanto qaxootiga iyadoo ay jiraan dhaqaale adag oo lagu bixiyo sida Qaxootiga Soomaalida u badan loogu sii heyn lahaa dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com