Xog: Mucaaradka DF iyo Ugaaska Xawaadle oo heshiis kala saxiixday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Heshiis Siyaasadeed ay kala saxiixdeen Ugaaska Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas khaalif iyo Musharaxiinta la loolameysa Xassan Sheekh ee qeybta ka ah Axsaabta Mucaaradka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ugaaska uu axdi la galay Mucaaradka taa oo meesha ka saareysa in Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo yagleelo maamul dhisma doorashada ka hor.

Ugaas Xassan iyo Garabyada Mucaaradka ayaa isla gartay in la hor istaago dhismaha maamulka cusub si uusan Xassan Sheekh halkaasi uga helin codadka uu maamulkaasi cusub ku yeelan doono doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Ugaaska waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa ay dowlada ka dhigtay mid aan jirin, hayeeshee taasi aawgeed aan Hiiraan laga hirgalin doonin maamul aan dhismihiisa loo marin cadaalada iyo rabitaanka shacabka Hiiraan ku dhaqan.

Mucaaradka Axsaabta ahna Musharaxiinta qalqal Siyaasadeedka ku abuuray Xassan Sheekha ayaa iyagana Ugaaska ka dalbaday inaan Hiiraan laga hirgalin maamul Ujeedkiisa lagu sheegay mid uu ku anfaci doono Xassan Sheekh, waxa ayna qabaan in gabi ahaan arrinta maamulka cusub dib loo dhigo inta Somalia ay kaga istaageyso cagaheeda.

Heshiisyada hoosaadka ah ee dhexmaray Ugaaska iyo garabyada Mucaaradka ayaa u muuqanaaya mid si dadban iyo si muuqdaba loogu caburinaayo Xassan Sheekh oo isaga kamid ah Musharaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com