Xog: Dhaqaalaha Kenya kaga lumay intuu Jaadka mamnuuc ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin kasta, beeralayda Khaat-ka ee Kenya iyo Ethiopia waxay dhaqaalo badan ka helaan qaadka oo ay u suuq geeyaan Soomaaliya, waxaana Soomaaliya qaadka lagu keenaa diyaarad iyo dhulkaba.

Waa Cagaar gowsaha la saarto kaasi oo saameyntiisa wata, waxaana loo iib keenaa Soomaaliya.

Marka loo eego dadka u ololeeya joojinta jaadka maalin kastaa ku dhawaad 400.000 Doolar ayaa ku baxda in jaadka loo iib keeno Soomaaliya, waa mid caafimaadka wax u dhima.

Ku dhawaad 15 diyaaradood oo qaad ay ka buuxaan ayaa maalin kasta soo gaara dalka Soomaaliya, kaasi oo loo yaqaano Miiraa.

Arintaasi waxay ka tarjumeysaa in dadka Kenyanka ah eek a ganacsada Jaadka iney waayeen lacago Malaayiin ah markii dowlada Soomaaliya ay mamnuucday in jaadka la keeno Soomaaliya, sabab la xiriirta kulankii IGAD ee Muqdisho ka dhacay.

Cel celis ahaan haddii maalin kastaa Kenya ay Jaadka ay keento Soomaaliya ku heli jirtay 400,000 doolar waxay la micno tahay 7 maalin qiyaas ahaan oo uu jaadka imaan Soomaaliya iney Qasaareen 2,800,000 doolar.

Tusaale ahaan 7 maalin qiyaas ahaan oo uu jaadka imaan Soomaaliya oo lagu dhiftay 400,000 oo ah qiimaha maalin kastaa lagu qiyaasay qaadka Soomaaliya la keeno = 2,800,000 doolar.

Maxay Ganacsatada Kenyanka ka yirahdeen Khasaaraha dhaqaale ee gaaray

“Waxaa lagu dhacay khasaaro weyn, beeralayda wey oynayeen sababtoo ah waxay waayeen dhaqaalo badan”sidaasi waxaa yiri Dave Muthuri oo madax u ah beeralayda Qaadka Miiraa iyo Midowga dadka ka ganacsada Jaadka.

Mamnuucidii Jaadka ee dowlada Xasan Sheikh Maxamuud iyadoo aan si dhab ah loo adeyn ayaa haddana si dhaqso ah qaadka mamnuucidii looga qaaday kadib kulan dhex maray madaxweynaha Kenya iyo madaxweynaha Soomaaliya Habeenkii Tallaadada.

Isla subaxnimadii Arbacada diyaaradaha Jaadka ayaa kasoo tagay magaalada Muqdisho, waana mid ay la dhaceen beeralaydii Jaadka ka ganacsan jirtay ee la dhacday go’aanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com