Dowladda Erdogan oo fashilisay halis cusub iyo UK iyo Germany oo…

Istanbul (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan Kooxda Daacish oo diyaarinaayay weeraro ka dhan ah Safaaradaha Britain iyo Jarmalka ee ku yaalla magaalada Ankara.

Dowladu waxa ay sheegtay in xubnahaasi gacanta lagu dhigay ay gaarayaan ilaa Afar xubnood oo gabi ahaan ka diiwaan gishnaa Daacish kuwaasi oo xiliga la qabanaayay ku howlanaa diyaarinta weerarka.

Dowlada Turkiga ayaa xogta lagu qabtay xubnahaani ka wadaagtay Saraakiil ka tirsan Safaarada Britain kuwaasi oo maalmahaani ka cabanaayay amni darro kusoo fool leh.

Dowladaha Britain iyo Jarmalka ayaa gacan ku dhigista xubnahaani kadib ku dhawaaqay inay hakinayaan adeegyada ay hayeen sababo la xiriira amnigooda oo aan caga wanaagsan ku taagneyn.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in howlaha amni darro ay Daacish ka dhexwado dalkeeda ay u yeelan doonaan fiiro gaar ah, inta laga soo afjaraayo dhaqdhaqaaqyada Daacish ay ku qalqal galineyso amaankeeda.

Geesta kale, Wasaarada arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadkaani diyaarinaayay falalka amni darro lagu kala xiray magaalooyinka Ankara iyo Istanbuul.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com