Masuuliyiin maamulka Hiiraan oo isku khilaafsan shirka Jowhar

Jowhar (Caasimada  Online) – Masuuliyiinta maamulka Hiiraan ayaa ku kala qeybsan ka qeyb galka shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kaasi oo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Hiiraan ayaa kasoo horjeeda aragtida maamulka gobolka Hiiraan  ay ku diideen shirka ka socdo magaalada Jowhar, waxaana uu sheegay in si wanaagsan uu u socdo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye ku xigeenka Hiiraan wuxuu sheegay in loo baahan yahay in xiligan aan laga shaqeyn wax dhibaato u keeni kara shacabka labada gobol, islamarkaana la taageeraa maamulka labada maamul loo dhisayo.

“Si wanaagsan ayuu shirka u socda dar dar leh, ana hadii aan nahay Maamulka Gobolka waxaan diyaar u nahay Shirka sida uu ku socdo inuu ku sii socdo.” Ayuu yiri Sheekh Cismaan.

Gudoomiyaha Hiiraan ayaa dhankiisa kasoo horjeestay shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sida muuqata masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku kala aragti duwan ka qaybgalka Shirka Jowhar ee ujeedkiisa uu yahay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com