Khaadkii Kenya oo maanta yimid – Maxaa beddelay go’aankii ganacsatada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo Shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed inay  joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo in Saaka uu Muqdisho soo gaaray jaadkii laga keeni jiray dalka Kenya.

Sida uu mid kamid ah Ganacsatada Jaadka u sheegay Caasimadda Online waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Qaad ka badan midkii maalmihii ugu dambeeyey la geeni jiray Magaalada taasoo wax kama jiraan ka dhigeyso hadalkii ay Shalay sheegeen  Ganacsatada Soomaaliyeed.

Suuqyada Muqdisho ee lagu iibiyo Qaadka ayaa waxaa lagu arkayaa iyadoo lagu iibinayo midka laga keeno dalka Kenya oo ay Soomaaliya kala dhaxeyso khilaafka siyaasadeed.

Qaar ka mid ah Ganacsatada oo Wariyeyaasha kula hadlay Shalay magaalada Muqdisho ayaa ku goodiyay inay joojinayaan qaadka, si ay ula saftaan dowladdooda oo xilligan khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Kenya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay inay u wareegayaan dalka Itoobiya, si Qaadka uga soo dhoofsadaan.

Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal ka soo yeeray Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya.

Lama oga in go’aankan ka soo baxay Ganacsatada Qaadka inuu yahay mid guud, hase ahaatee Ganactsada Qaadka ayaa isugu jira dhowr qeybood oo ah qeyb toos Qaadka uga soo dhoofsada Kenya iyo kuwa ka sii iibsada.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hadalkii Ganacstada Kenya ee ahaa inay joojinayaan Qaadkii ay u diri jireen dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com