28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Khaatumo oo dibadbax ka dhan ah DF ka goobta shirka New Deal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) Sida uu soo sheegay wariyaha Qaaradda Yurub ee Shabakadda Caasimada Online, oo hadda ku sugan xarunta Midowga Yurub ee Brussels halkaasoo maanta oo lagu soo gabagabeeyay shirka hiigsiga cusub, waxaa halkaas dibad-bax ka dhigay jaaliyadda Khaatumo Sate.

Wariyaheena ayaa ku soo warramaya in uu arkay dhowr boqol oo qof, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ka dhan ah shirka Brussels ee halkaas lagu soo gabagabeeyay.

Qaar ka mid ah dadka dibad-baxa ka qaybgalayay ayaa la hadlay saxaafadda, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin shirka (New Deal) in aan laga qaybgalin maamulkooda Khaatumo State oo ah maamulka kaliye ee taageersan dowladda.

Waxa ay eedeen u jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in uu soo xulay uun dadka ay isku baheesi yihiin.

Sidoo kale, Jaaliyadda Khaatumo ee Brussels ku nool, waxa ay lee yihiin haddii madaxweynaha uusan arrintaas raaligalin ka bixin in ay go’aan ka qaadan doonaan dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid la hadashay dadka dibad-baxyada ka dhigyay xarunta shirka uu ka socdo ee Brussels.

Maamulka Khaatumo waa maamulka kaliye ee taageersan dowladda Soomaaliya, waxaana shirkan ka qaybgalaya dhammaan maamulada ka jira dalka marka laga reebo Somaliland kuwaasoo sheegay in shirkaas uu gaar u yahay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

- Advertisement -

Read more

Local News