Waxaa goor dhow xarunta Midowga Yurub ka furmay Shirka Hiigsiga Cusub ‘New Deal for Somalia’ , Shirkan oo ay si wada-jir ah u marti-galinayaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Midowga Yurub Mr Hermen Van Rompuy ayaa furay shirka wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid xoogga lagu saarayo sidii Soomaaliya loo caawin lahaa, islamarkaana looga taageeri lahaa in ay gaarto mustaqbal ifayo oo ka wanaagsan kan ay hadda taagan tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna furitaanka shirka hadlay, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay u baahan tahay in laga caawiyo dhismaha ciidamada, taasoo uu xusay in haddii ciidanka la dhiso la heli doono amni buuxa oo waddanka xasiliyo.
200 wafuud caalami ah oo ka kala socda dalalka caalamka, Midowga Yurub iyo hay’ado horumarineed iyo kuwa deeq-bixiyeyaasha ayaa kasoo qeybgalay.
Halkan ka daawo khudbadda madaxweynaha

