Dhageyso: Khudbaddii Maryam Qasim

Brussels (Caasimada online) Xaalada dhaqaalaha iyo arimaha bulshada dalka Somalia  wuxuu na tusinayaa calaamad ku aadan horumar laga gaaray, ayna dib usoo laabanayaan, marka loo eego labaatan sano oo dhibaatooyin lagu jiray, waxii ka dambeeyay dhicitaankii dowladii dhexe ee dalka,

La qabsiga dastuurka casriyaysan, hergelinta wakiilada baarlamaanka federaalka Somalia, doorashadii madaxweynaha Soo magacaabida ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada ayaa soo cusboonaysiiyay mustaqbalka Soomaaliya, waxayna abuurtay fursado lagu keenay nabad iyo xasilooni, dib u dhis iyo horumar ilaa heer gobol ah.

Wasiirada lasoo magacaabay iyo dowladaan cusub ee dalka Soomaaliya, ayaa si weyn u qaaday masuuliyada  shacabka iyo dib u dhiska dhaqaalaha ee wadanka, waxyaabaha suuro galka ah ee wasiirada dowlada ay ku taxluujin karaan awoodooda ayaa ah in la maamulo, la  isku duwo, lasoo saaro lagana qeyb galo soo saarista arimo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed labaatan sano oo ay la dhibaateysnaayeen arimo dhowr ah , waxaa iminka ay yihiin kuwo kasoo kabanaya dhibatooyinkaasi, waxaana la gaarayaa adeegyo horumarineed oo dhanka bulshada ah.

Somalia oo aan ka mid aheyd dadka is dila laakiin Somali u qeyb sanaysa macdanta ku jira dalka si isku mid ah oo cadaalad ah iyo Somalia oo xubin muhiim ah ka ah bulshada caalamka, taasi waa Somalida aan doonayno dhamaan inaan aragno, Mahadsanidiin dhamaan.

Halkaan ka dhageyso codka Maryam Qaasim

Halaan ka dhageyso codka Maryam Qaasim

 

Caasimada online

Xafiiska Brussels

Caasimada@live.com