Khabiir shaaciyey doorka ay ciidanka Eritrea ka qaadan doonaan howl-gallada socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea.

Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxayna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi.

Sarreeye Guuto Cumar Maxamuud Cusmaan oo ah khabiir ciidan ayaa VOA u sheegay in ciidamadaan ay soo qaateen tababar heer sare ah, islamarkaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Ciidamadaan waa kuwa tababar fiican leh wax ayey ka badali doonaan howlaha oo dhiig cusub ayey kusoo kordhin karaan millateriga. Meel alaala meeshii looga baahdo ayey ka howl-gali karaan oo wax weyn ayey ka qaban karaan dagaalka lagula jiro Shabaabka,” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray “Dalka oo dhan ayaa loo kala qeybin doona ciidamadaan. Xaalada dalka waxay ka badali karaan amniga guud iyo howlaha badda.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaan loo soo tababaray takhasusyada kala duwan ee millateriga, ayna yihiin niman dhalinyaro ah oo koorso adag oo sarkaalnimo loo soo tababaray.

“Illaa 20-ka ugu horeeya ee Janaayo ayey kusoo dhameystirmayaan ciidankaan dalka,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya xilliga ay soo dhamaaneyso daabulista ciidamada mudada badan ku maqan Eritrea.

Soo laabashada ciidamadaan ayaa dhabar-jab xoogan ku ah Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

“Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta. Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.”

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalkaas muddo ku dhow afar sano ay dib ugu soo noqdaan dalkooda.