Khadiija Maxamed Diiriye way saxneyd: Xukuumada ayaa maamusha MURSAL

Markii ay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ahna xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, dad baan ayey la-yaab ku noqotay.

Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo aad loo rumeysan yahay in Mursal ay keensatay xukuumadda, oo uusan qaadi karin go’aan ka dhan ah ra’iisul wasaaraha. Hase yeeshee wareysi uu siiyey VOA ayuu Mursal ku caddeeyey in wax walba oo laga xanto ay sax yihiin.

Mursal ayaa diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho tegi doono, oo uu eegi doono warqadda lagu kala diray guddiga kadibna ku dhawaaqi doono go’aankiisa.

Su’aasha ayaa ah warqadda miyuusan weli arkin Mursal, mase waxa uu shaki ka qabaa sax ahaanshaheeda, haddiise ay sidaas jirto muxuu u bixiyey wareysi, oo uu ugu gaabsan waayey inuu marka uu warqadda arko kaliya uu jawaabi karo. Waxaa muuqata inuu doonayo inuu muujiyo inaan xafiiska Kheyre laga maamulin, haddana uusan ku dhiiran karin inuu sidaas caddeeyo.

Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse mar la weydiiyey waxa uu arrintaas sharciga ka qabo waxa uu diiday inuu caddeeyo.

Waxaa la weydiiyey “muxuu xeer hoosaadka ka qabaa in la kala diro guddiga” wuxuuna yiri “waxaan eegi doonaa xeer-hoosaadka” guddoomiyaha ma waxa uu inoo sheegayaa inuusanba aqoon xeeer-hoosaadka golaha uu maamulo oo uu u baahan yahay inuu eego?

Kasoo gudub, mar la weydiiyey cidda awoodda leh inay kala dirto guddiga, waxa uu sheegay in guddiga ay kala diri karto ciddii sameysay, uuna ku baxayo sidii uu ku yimid. Waa jawaab wanaagsan, balse markii la weydiiyey cidda guddiga sameysay, wuu ku dhiiran waayey inuu sheego, sababtoo ah waxaa halkaas laga heli lahaa jawaabta dadku is-weydiinayaan.

Tii ugu yaabka badneyd ayaa ahayd markii la weydiiyey “Maxaad sameyneysa haddii marka aad Xamar tagto aad ogaato in kala dirista guddiga ay sharci darro tahay oo aysan waafaqesneyn xeer hoosaadka?” waxay ahaan lahayd jawaab wanaagsan inuu yiraahdo “Haddii kala dirista aysan waafaqsaneyn sharciga waan diidi doonaa”, balse Mursal waa uu diiday inuu jawaab bixiyo.

Wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu Mursal ugu talo-galay inuu ku muujiyo inuusan xukuumadda la-hayste u ahayn, balse waxa uu taa beddelkeeda ku xaqiijiyey in xaqiiqdii laga maamulo xafiiska Kheyre. Khadiijie Diiriye waa ay saxneyd, Mursal waxaa laga maamulaa xafiiska Kheyre.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid