Musharaxiinta Puntland oo soo saaray qoraal xasaasi oo jawaab u ah go’aankii Cabdi Weli Gaas + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay qoraalkii madaxweyne Gaas uu shalay soo saaray, waxayna soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Hoos ka aqriso.

War saxaafadeed:

Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira ku dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, Doorashada 2019, iyo dhismaha guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka. Markaan aragnay warqadda ka soo baxday madaxweynaha xilku ka dhammaanaayo ee ku saabsan soo xulidda Xildhibaannada golaha wakiillada.

Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. 

Waxaa marag ma doonta ah in soo xulidda xildhaibaannada beelaha sanadkan la gashey khilaaf aan waligii ka dhacin Puntland, taas oo si ku talagal ah uu madaxweynaha talada hayaa u maleegaayo waana wax aan taariikhda Puntland hore u soo marin.

Wuxuuna si ku talaggal ah Musharax-Madaxweyne Cabdi-weli Mohamed Ali Gaas u dejiyey in ay xubno badan oo wata liisas is-khilaafsan iyo saxiixyo isimmo/nabadoono kala duwan ka yimaadaan beelo kala duwan, si uu madaxweynuhu ugala dhex baxo kuwa isagu uu rabo. Waxaana u meel marinaaya guddi keligiis uu soo xulanaayo kuna magacaabay: Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aan sina loo aqbali Karin in qabiil kala sooc ba’an uu madax weynuhu kula dhex jiro beelaha xildhibaannada iska soo xulaya qaarka uu u arko in uu qabiil ahaan uga xoog roon yahay, uu xubnohooda cidduu rabo ku qorto si cadna isaga indha tiro saxiixyada nabadoonnada iyo isimmada beelahaas. Waxaa kale oo jirta in qabiillada uu madaxweynuhu u arko in aysan xoog badan lahayn ama isimmadoodu meelo fog jiraan oo aan Garowe imaan karin uu si toos ah qofkuu rabo u marsado guddiga khilaafaadka.

Hadaba waa in la helaa guddi dhex-dhexaad ah oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan musharrixiinta oo ku jiro madaxweynaha oo isna musharraxnimo ku dhawaaqay. Haddii Gudigaasi (Vetting committee) uusan ahayn mid dhexdhexaad ah, ama tayo fiican, ama aqoon iyo waayo aragnimo wayn aanu lahayn xaalada dhaqan iyo midda siyaasadeed ee Puntland Waxaa ka dhalankara dhibaatooyinkasoosocda;

1. Madax banaanid iyo kalsoonida guddiga lagu qabo oo la waayo. Mar haddii aan laga tala galin mushaxariinta oo uu ku tagrifalo soo magacaabiddooda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.

2. In ay noqdaan kuwo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.

3. In ay soo saaraan liiska xildhibaanada uu rabo Musharrax Gaas oo kali ah.

4. In la liiskana laga saaro xildhibaano badan oo si sax ah beelahodu u soo gudbiyeen. Haddii madaxwaynaha sii degaayaa dantiisa ka arki waayo.

5. In ay meel ka dhac weyn ku tahay issimada dhaqanka Puntland, taas oo cadaawad iyo khilaaf xooggan horseedi karta sidoo kalana abuuri karta khal khal,amni xumo iyo dhaawac soo gaara wadajirka dadka Puntland.

Talo soo jeedin;

1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo ay iisku raacaan.

2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagri fal masiirka umadda.
3. In xubnahaguddigunoqdaankuwoisudheelitiran Kana kooban gobolada Puntland.

4. In guddiga aysan ka mid noqon Karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madaxbanaanidda guddiga.

5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon Karin qofku cad ama u ololeeya musharax gaar ah.
6. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon qof ay maxkamadi dembi ku xukuntay.

Dhinaca kale;

I. Laga bilaabo markii uu madaxweynaha Puntland si toos ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo mar kale u tartamaayo 2019ka, (November 29, 2018 Dhahar), in uusan samayn Karin xaqna u lahayn arrimahaan hoos ku qoran:
a. In aan musharrax Cabdi-weliMaxamad Cali Gaas uusan xoolaha/hantida guud ee ummadda uusan doorasho u isticmaali Karin si toos iyo si dadban midna
b. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaan ciddii ay khusayso u sheegeynaa in Musharax Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.
c. In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi Karin ama xil ka qaadi Karin qof.
d. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaanciddii ay khusayso u sheegeynaa in madaxweyne Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.
e.In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi karin ama xil ka qaadi karin qof.

Ugu danbayn waxaan Isimmada, Culumaauddiinka, ciidamada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland ugu baaqaynaa in xilligaan kala guurka ahay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii awalba looga bartay adkaynta amnigooda, wadajirkooda iyo horumarkooda sigaar ahna u garab istaagaan ciidamada amniga, waana taas midda aan guusha kugaari karno.

Alle idanki guul shacabka Puntland.

Murashaxiinta soo saaray war-saxaafadeedkaan:

1. Dr. AadanMaxamadCiise(Gaadaale)
2. Eng. CabdirizaaqCabdullahiJaamac(Jannagale)
3. General KhaliifCiiseMudan
4. Eng. MaxamuudKhaliifXasan (Jabiye)
5. Eng. MaxamadCabdullahiXuseen (Shortaaye)
6. Siciid Cabdullahi (Deni)
7. Gen. Saciid Mohamed Hirsi (Saciid Dheere)