Tirada ciidamada dowlada ay geysay Baydhaba oo la ogaaday (Faah-faahin)

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay weli socdan ciidamada dowladda Soomaaliya ay geyneyso magaaladaasi.

Waxaa maanta gaaray magaalada Baydhaba diyaarad kale oo sida ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka, iyadoo shalay galab la soo weriyey inay sidoo kale ka degtay diyaarad siday ciidamadii labaad ee halkaasi la geeyo.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay dowladda Somalia geystay magaalada Baydhaba ciidamo gaaraya 200 askari oo ay ku jiraan 50 askari oo saaka ka degay garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana warar xogogaal ahi sheegayaan in tirada ciidamada loo dirayo Baydhaba ay gaareyso 300 askari.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dalbadeen ciidamada uga yimid dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho laga keenay si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga magaalada Baydhaba, laakiin waxaa ka hor yimid xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com