Sawir laga qaaday kulanki Lafta-gareen iyo Jawaari oo diray farriin cajiib ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharaxa dowladdu wadato ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, gudoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga Cabdixakiin Fiqi ayaa ku kulmay magaalada Beydhabo.

Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul wax walba oo ay ka hadleen, haddii ay ahaan lahayd arrimaha doorashada, siyaasadda iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed waxaa ka saameyn badatay oo bulsho la yaabtay goobta ay ku kulmeen iyo qaabkii ay u taalay.

Hoos ka eeg goobta uu kulanka ka dhacay iyo sida ay u egtahay

Maxaa kuu muuqda?

Goob yar oo ay ku hereereysan tahay ama ku oodan carrada/ciidda difaaca laga dhigto! Cajiib, waa Baydhabo, xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo sidaas u ekaan karta meel ay ku kulmayaan labeentii bulshada maamulkaas iyo Soomaalida.

Farriin noocee ah ayey u direysaa bulshada Koonfur Galbeed?

Sawirkaas iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxa ay caadiyan u dirayaan bushada reer Koonfur Galbeed in ay doortaan hoggaamiye samatabixya oo ka saara xaaladda amni daro ee ka jirta maamulkaas gaar ahaan Baydhabo.

Waa sax, shacabka iyaga maanta ma leh dookha oo ma awoodaan In toos u doortaan hoggaanka ay rabaan balse waxa ay ku cadaadin karaan xildhibaanada matala halka xildhibaanada qudheeda ay arkaan xaaladda ka jirta mamaulkaas iyo qofka mudan in ay keenaan.

Dhawr musharax oo ay ka mid yihiin Robow iyo Laftagareen ayaa ku loolamaya xilka Madaxweyne ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com