Abu Dhabi (Caasimada Online) — Ganacsadaha bilyaneerka ah ee u dhashay Imaaraadka Carabta, Khalaf Al-Xabtoor, ayaa qoraal kulul oo uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) waxa uu gebi ahaanba meesha uga saaray suurta-galnimada in dalkiisu uu ku lug yeesho dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayo ee ka dhanka ah Iiraan, isagoo xukuumadda Washington ku eedeeyay inay danaha Israa’iil ka hormarinayso kooda.
Al-Xabtoor ayaa xusay in Senator-ka ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Lindsey Graham, uu maalmihii lasoo dhaafay ugu baaqay dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) inay garab ku istaagaan Mareykanka iyo Israa’iil olohooda dagaal. Si kastaba ha ahaatee, saacado un kadib markii qoraalkan la baahiyay, ayaa u muuqday in laga tirtiray barta X.
“Waxaan si cad ugu sheegayaa: Aad baan u ognahay sababta naloo soo weerarayo, waxaana sidoo kale ognahay ciddii gobolka oo dhan u jiidday xiisaddan halista ah iyadoon xitaa la tashan kuwa uu ugu yeero ‘xulafadiisa’ gobolka,” ayuu qoray Al-Xabtoor.
In kasta oo Al-Xabtoor uusan xil dowladeed haynin, haddana maalqabeenkan saldhiggiisu yahay magaalada Dubai ayaa si weyn ugu dhow xeendaabka xubnaha talada dalkaas haya. Khubarada ayaa aaminsan in faafinta aragti noocan ah ee gudaha Imaaraadka—halkaas oo hadalka xorta ah ee dadweynaha si weyn loo koontaroolo—ay ka tarjumayso fariin dadban oo ay xukuumaddu raalli ka tahay.
‘Ciyaar wasakh ah’
Iyadoo ka falcelinaysa duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil, Iiraan ayaa aargoosi ahaan gantaallo iyo diyaaradaha is-miidaamiya (Drones) la beegsatay waddan kasta oo ku yaalla gobolka Khaliijka. Al-Xabtoor ayaa qiray in Imaaraadku uusan dafirsanayn khatarta Iiraan ee gobolka, isagoo raaciyay inaysan marnaba aamin ku qabin xukuumadda Tehran.
“Balse tani waa ciyaar wasakh ah oo ay isku dhacayaan quwado dhowr ah, khasaarahana uu dhabarka ka jabiyay gobolkeena, waana ciyaar aan sharaf iyo hufnaan toona lahayn,” ayuu yiri, isagoo Iiraan, Israa’iil, iyo Mareykanka ku dhaliilay inay danahooda gaarka ah ka weyneynayaan danta guud ee gobolka.
Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Sababtaas awgeed, waxaan si cad u leenahay: Ma geli doonno dagaalkan si aan ugu adeegno danaha dad kale, mana u huri doonno nolosha wiilasheena dagaal lagu baajin karay diblomaasiyad iyo xal siyaasadeed. Haddii Madaxweyne Donald Trump iyo Senator Graham ay diyaar u yihiin inay dalkooda iyo nolosha Mareykanka halis u geliyaan danaha Israa’iil, taasi waa dooqooda. Dhankeena, sidaas ma sameyn doonno.”
‘Uma baahnin Ilaalintiina’
Dhaleeceynta ganacsadaha ayaa si gaar ah u taabatay wareysi uu Senator Graham siiyay telefishinka Fox News, kaas oo uu ku andacooday in dalalka Carabtu ay ka faa’iidaan difaaca iyo ilaalinta Mareykanka.
“Waxaan isaga leeyahay: Uma baahnin ilaalintiina. Waxa kaliya ee aan idinka doonayno waa in aad faraha naga qaaddaan,” ayuu yiri ganacsadaha. Wuxuu xusay in hubka uu Mareykanku ka iibiyo Imaaraadka uusan ahayn abaal ama sadaqo la siiyay, balse xukuumadda Abu Dhabi ay balaayiin dollar ku maalgeliso amnigeeda.
Al-Xabtoor ayaa sidoo kale soo qaatay hadal uu Graham kaga dhawaajiyay danaha shidaalka ee Mareykanka intii uu ku jiray wareysigaas.
“Venezuela iyo Iiraan waxay haystaan boqolkiiba 31% kaydka shidaalka adduunka. Waxaan iskaashi la sameyn doonnaa boqolkiiba 31% kaydka la ogyahay. Tani waa riyada naxdinta leh ee Shiinaha. Kani waa maalgashi wanaagsan,” ayuu Graham u sheegay weriye Maria Bartiromo.
Isagoo taas ka jawaabaya, Al-Xabtoor ayaa yiri: “Markaas uun bay sawiradu caddaanayaan. Markaas uun baana fahmaynaa sababta ay dagaalkan u doonayaan.”
Isbeddelka Al-Xabtoor
Maal-qabeenka ayaa kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa in qof kasta oo dhegaysta hadallada Senator Graham uu u qaadan karo inuu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israa’iil (Knesset).
“Waxaad difaacdaan danaha Israa’iil in ka badan inta aad difaacdaan danaha shacabka Mareykanka qudhiisa. Ma aqbali doonno in xoog nalagula geliyo waddada dagaalka, mana aqbali doonno inaan shidaal u noqono dagaallada kuwa kale,” ayuu raaciyay.
Dhaleeceyntan ayaa aad loola yaabay maadaama ganacsadaha uusan waligiis horay u dhaleeceyn Madaxweyne Trump ama siyaasadihiisa. Taa beddelkeeda, wuxuu ahaa shakhsi si fagaare ah u soo dhaweeyay Israa’iil kadib markii Trump uu garwadeen ka ahaa heshiiskii caadigaeynta xiriirka ee Abraham Accords sanadkii 2020.
Shirkaddiisa Al Habtoor Group ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Imaaraadka ee heshiisyo tignoolajiyadeed iyo mid ganacsiba la gasha shirkadaha Israa’iil.
Hadalladan kulul ayaa soo baxaya xilli Axaddii ay mas’uuliyiinta dowladda Imaaraadku si adag u beeniyeen warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil oo sheegayay in Abu Dhabi ay ka qayb-qaadatay duqeyn lala beegsaday warshad biyaha sifeysa oo ku taalla gudaha Iiraan, iyagoo xaqiijiyay in Imaaraadku uusan doonayn in lagu dhex jiido xiisad sii hurta.

