Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamadii taabacsanayaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay ka carareen deegaanka Awdiinle oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii laga saaray magaalada Baydhaba, waxayna maanta galeen gobolka Gedo.
Muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Internet-ka ayaa muujinayo ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka gudahana usii galaya qaybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolkaasi.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyada oo muujineyso in weli ay taagan tahay colaadda Koonfur Galbeed ee ka dhalatay cayrintii Lafta-gareen.
Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan oo qayb ka ahaa madaxda keentay isbeddelka dhacay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hubkii dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed la geeyay degmada Doolow, ayna tahay wax laga xumaado, maadaama hubkaas lagu iibiyay canshuurtii shacabka.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedoin ay ka shaqeeyaan sidii hubkaas loogu soo celin lahaa gacanta dowladda.
“Waa nasiibdaro aad uweyn in Hubkii lagu iibiyey Canshuurta Shacabka reer Koonfur Galbeed maanta in Doolow loo rarto, laakiin Madaxda iyo Shacabka reer Gedo waxaa kasaaran Masuuliyad in hubkaas loosoo celiyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Baxsashada ciidamadan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor ay ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ku qaban karin Baydhaba, isla markaana ay ka hortagi doonaan in loo soo xulo madaxweyne cusub, waa sida ay ku doodeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka maanta gaaray Doolow.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana aagga Awdiinle iyo Baydhaba ku sugan ciidamada dowladda oo wada howlgallo guud oo lagu xaqiijinayo amniga.

