Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gudaha dalka ayaa haatan mowqifk’ adag oo la xiriira xaaladda dalka la wadaagay sii-hayaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay musharrax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali oo la kulmay Ergeyga.
Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee sii adkaaneysa ee Soomaaliya, iyadoo uu Cosoble shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin wax mudo-kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda.
“Bismilaahi rraxmani rraxiim Waxaan maanta la kulmay si-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM Rai Zenenga halkaas oo aan ku soo bandhigay mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Waxaan si cad ugu sheegay in aan la aqbali karin wax mudo-kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Cabdulqaadir Cosoble oo qoraal soo saaray.
Waxaa kale oo uu intaas ku sii daray, isla markaana u sheegay Ergeyga in muddo xileedka madaxweynaha ay ku egtahay 15-ka May, kadibna wixii ka dambeeya loo baahan yahay in la raaco sharciga, gaar ahaan dastuurka dalka.
“Waxaa xusid mudan in muddada xil-heynta hay’adaha dowladda ay ku eg tahay 15-ka May 2026. Sidaas darteed, wixii ka dambeeya taariikhdaas waa in lagu saleeyaa hannaan sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada heshiiska lagu wada yahay, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda hay’adaha qaranka” ayuu mar kale yiri Cosoble.
Sidoo kale, intii uu socday kulanka,waxaa lagu soo qaaday xiisada ka taagan Koonfur Galbeed, ee ka dhalatay maamulkii la riday ee Lafta-gareen, kadib duulaan toos ah oo ay dowladdu ku qaaday magaalada Baydhaba.
“Waxaan sidoo kale ka hadalnay xaaladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, gaar ahaan qalalaasaha ka jira Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadatashi dhab ah, ixtiraamka dastuurka, iyo ilaalinta nidaamka sharciyadeed” ayaa la sii raaciyay qoraalka.
Ugu dambeyn, waxa uu yiri “Waxaa mar kale caddeyneynaa in aan marnaba la aqbali doonin mudo-kordhin, isla markaana loo baahan yahay in dalka loo jiheeyo hannaan dimuqraadi ah iyo doorasho hufan, oo heshiis lagu yahay”.


