Khalifa Xaftar oo iclaamiyey dagaal ka dhan ah Turkiga iyo Turkiga oo jawaabay

Tripoli (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga.

Hanjabaadda dagaal-oogaha ayaa timid kadib toddobaad uu guul-darrooyin kala kulmay dowladda Libya ee Turkiga uu taageero.

Ciidamada Xaftar, oo ay taageerayaan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka ayaa sanad ka hor billaabay dagaal ay doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda Libya. Hase yeeshee faro-gelinta Turkiga ayaa beddeshay dagaalka, una riixday guusha dhanka dowladda.

“Waxaad saacadaha soo socda arki doontaa ololihii duqeymo ee ugu ballaaraan taariikhda Libya,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray.

“Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” ayuu yiri.

Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya.

Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar.

Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.