QM oo shaacisay in wada-hadallo hoose ay u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland.

James Swan ayaa sheegay in wada-hadallada ay yihiin heer sare ah, islamarkaana labada dhinac ay leeyihiin xiriir joogto ah. Waxa uu intaas ku daray in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada.

“Marka ay noqoto xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ay socdaan, islamarkaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.

Swan ma uusan bixin wax faah-faahin oo intaas dheer, mana cadda qaabka ay u socdaan wada-hadallada iyo mas’uuliyiinta ku lugta leh intaba. Caasimada Online oo la xiriirtay labada dhinacba, way diideen inay arrintan ka hadlaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa la rumeysan yahay inay isku soo dhowaanayeen wixii ka dambeeyey markii madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi ay ku kulmeen xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa, 11-kii Febraayo ee sanadkan.

Kulankaas ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo tan iyo markii uu xafiiska yimid ay aad isugu dhowaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.