Jubaland oo war kulul kasoo saartay maamul taabacsan DF oo looga dhowaaqay Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa eedeyn culus oo la xariirta xaaladda gobolka Gedo loogu soo jeediyay madaxda dowladda federaalka.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay ka xuntahay falalka sharci darrada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka wado gobolka Gedo, kuwaas oo sababay khalkhal amni, jaha wareer siyaasadeed iyo burbur bulsho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay xaafiiska Axmed Madoobe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay dowladda federaalku si khasab ah xaafiisyadoodii uga saartay guddoomiyeyaashii sharciga ahaa ee degmooyinka gobolka Gedo, isla markaana ay ku soo daad gureysay ciidamadii loogu tala galay inay dalka ka saaraan cadawga, kuwaas oo sida lagu yiri qoraalka loo iclaamiyey inay burburiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii ka jirtay gobolka Gedo.

“Falalkan sharci darrada ah oo noqday kuwo aysan ka waantoobin dowladda federaalka, oo ay ugu dambeysay warqaddii lagu sheegay in uu soo saaray wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland, taas oo lagu sheegay in uu magacaabay gudoomiyaha gobolka Gedo iyo ku xigeenkiisa,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubaland.

Jubbaland ayaa war-saxaafadedkan ku sheegtay inay cadeyneyso in dowladda federaalka ay ku xadgudbeyso dastuurka dalka, isla markaana ay burburineyso nidaamka federaalka ah ee dalka u degan.

“Jubbaland waxay u  cadeyneysaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed, hey’adaha dowladda federaalka iyo hey’adaha caalamiga ah, inay u aqoonsantahay gudoomiyeyaasha sharciga ah ee degmooyinka gobolka Gedo, kuwii ay horay ugu magacaawday si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan federaalkaba,” ayaa lagu yiri.

Jubbaland ayaa bulshada ku nool gobolka Gedo waxay ugu baaqday inay la shaqeeyaan guddoomiyeyaasha sharciga ah ee horay Jubbaland ugu magacaawday gobolka Gedo, iyadoo cidii la tacaamusha qolo kale ku war gelisay inay qaadan doonto mas’uuliyadda darradii ka dhalata.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay uga digeysaa shakhsiyaadka sameynaya ku takrifalka awoodda aysan laheyn iyo sharciga, waxayna la tiigsan doontaa maxkamadaha si waafaqsan dastuurka dalka,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalkan ka soo baxay xaafiiska madaxweyne Axmed Madoobe.