Agaasimaha adeega Aamin Ambulance oo caawa la xiray iyadoo loo haysto $214,000

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa soo xiray Agaasimaha hey’adda gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan.

Ciidamada afurkii kadib Cabdulqaadir Cabdiraxmaan kasoo xiray Baar lagu magacaabo Spaghetti House oo ku yaalla agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna la’aadeen dhanka xarunta dembi barista booliska ee CID-da.

Warqad kasoo baxday xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo ay heshay Caasimada Online ayaa lagu amray taliska hey’adda dembi barista booliska Soomaaliya ee CID-da soo qabashada Cabdulqaadir Cabdiraxmaan madaxa hey’adda Aamin Ambulance.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Cabdulqaadir madaxa Aamin Ambulance ay cabasho kasoo gudbiyeen laba nin oo lagu kala magacaabo Axmd Cabdiraxmaan Diiriye iyo Barre Cismaan Xuseen, kuwaas qaab Forex ah uu lacag uga qaatay, taas oo cadadkeedu dhanyahay, $214,000 oo dollar.

“Waxaa la farayaa taliska qeybta barista dembiyada ee CID-da, in uu baaris ku sameeyo cabashada sare ku xusan, natiijada kasoo baxdana kusoo celiyo  xaafiiska xaafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, si loo waafajiyo sharciga” ayaa lagu yiri warqadda.