Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada nabad sugida Soomaaliya ee NISA ayaa soo bandhigay khamri badan oo lagu hayay degmada Warta Nabbada.
Saraakiil u hadashay NISA ayaa sheegay in khamriga laga soo saaray bakhaar ku yaala degmada Warta Nabbada ee gobolka Banaadir.r
Ma jiro dadkii lahaa khamriga oo lasoo bandhigay, balse jawaano badan oo khamri ah ayaa lasoo bandhigay.
Ku dhawaad 75 jawaan ayay ahaayeen jawaanada khamriga ay ku jireen, waxaana goobta laga soo qabtay muddo lagu tuhmayay in khamriga lagu iibiyo.
Saraakiisha waxay sheegeen iney ku raadjoogaan dadkii lahaa khamrigaasi badan, waxayna sheegeen iney cadaalada horkeeni doonaan.
Maalintii shalay ayaa khamri aad u badan lagu soo bandhigay degmada Garowe ee gobolka Nugaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

