27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sawir gacmeedka Caasimada: Xafiiska taliska booliska iyo xigtada Jen. Xaamud

Bookmark
Bookmarked

Share

Shabakadda wararka Caasimada oo looga bartay soo gudbinta xogaha iyo xaqiiqooyinka qarsoon ayaa sawir gacmeed rasmi ah kasoo sameysay fadeexad tii ugu xumeyd oo mudooyinkaan ka taagan taliska booliska Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay markii Taliyaha Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xaamud uu xafiisyada sare ee Booliska laga xukumayay ku koobay dad xigto hoosaad la ah iyo kuwo uu waalid u yahay.

Jen. Xaamud ayaa qeybta maaliyada ee booliska wuxuu u dhiibay wiilkiisa C/qaadir, halka gabar uu abti u yahay oo lagu magacaabo Idil Cabdullaahi Xasan ayaa ah qofka kaliya ee ka faa’iideystay tababarada Taliska booliska Soomaaliyeed loogu deeqay si loo wada gaarsiiyo guud ahaan gobolada dalka iyo mashaariicda kale ee ay bixiso hay’addaha UN-ka ka tirsan ee taageera Booliska Soomaaliyeed, sida UNDP, UNPOL iyo UN Women.

Idil ayaa la siiyay darajada Captian, wax aqoon ahna uma lahan howlaha booliska, iyadoo ay dhooban yihiin haween booliska ka tirsan oo kusoo jabay waqtiyadii kala duwanaa, kuwaasi oo aan heysan wax daryeel ah.

- Advertisement -

Read more

Local News