27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Musharaxiin Muqdisho ka wada arrin halis ku ah Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia kusoo qulqulaaya Musharaxiinta loolanka kula jiray Xasan Sheekh oo maalmahaani ka maqnaa magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa isku baheysaneysa Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa uuna qorshahoodu yahay inay kala dhantaalan Xildhibaanada uu Xasan Sheekh ku uruurinaayo magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta ayaa intooda badan degay Hoteelada ay u badan yihiin Xildhibaanada kusoo laabatay magaalada Muqdisho ee dib uga soo noqday magaalooyinkii lagu doortay.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale Saldhig ka dhigtay Madaxtooyada Somalia, si halkaasi ay uga baadi-gooban Xildhibaanada u socta Madaxtooyada ee loo qafaalay Xasan Sheekh.

Qorshahaani ay wadaan Musharaxiinta ayaa dhabarjab ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu doonaayo inuu ka guuleysto Musharaxiinta isbarbar yaaceysa.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta ayaa waxaa ka go’an inay meel uga soo haraan Xasan Sheekh, oo ku adkeysanaaya in mar kale uu kusoo laabto xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News