Khasaare ka dhashay howl-gal lagu qabtay nin soo dhacay gaari (Warbixin)

Dhahar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ee Puntland waxay sheegayaan in ciidamada booliska ee ka howlgala degmada Dhahar ay fuliyeen howlgal sababay khasaare dhaawacyo ah.

Ciidamada ayaa jid gooyo u dhigtay nin la sheegay inuu soo dhacay gaari, kaas oo ku hubeysnaa qori AK-47 ah, waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad xoog leh.

Is-rasaaseyn mudo socotay kadib, waxaa dhaawac halis ah la gaarsiiyey ninkii soo dhacay gaariga, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska Puntland.

Dhaawacii ninkaas ayaa loola cararay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana gaarigii uu soo dhacay soo gaaray burbur xoog leh.

Sidoo kale askari ka tirsan ciidamada booliiska Puntland ayaa ku dhaawacmay howlgalkii lagu qabanayey ninkaas soo dhacay gaariga.

Ninka la dhaawacay oo gaarigaas kala soo baxsaday degaan u dhaw magaalada Boosaaso ayaa la soo galay magaalada Dhahar ee isla gobolka Bari, halkaas oo isaga iyo booliska magaaladaas ay ku dhex martay is-rasaaseyn ugu dambeyntii isaga lagu dhaawacay.