Khasaare ka dhashay qarax maanta ka dhacay Diinsoor

Diinsoor (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxay sheegayaan in goor dhaw uu ka dhacay qarax sababay khasaare dhaawacyo ah.

Inta la xaqiijiyey laba askari oo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed iyo seddax qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas.

Goobjooge ku sugan degmada Diinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu sababay khasaare dhaawacyo ah, balse aysan jirin wax dhimasho ah.

Qaraxa ayaa lagu aasay goob maqaayad ah oo ay isugu yimaadaan askar iyo dad shacab ah, taas oo ku taalla meel aan ka dheereyn saldhigga booliska magaalada Diinsoor.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Diinsoor waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay magaalada ka wadaan howlgallo culus oo lagu baadi goobayo dadkii qaraxa geliyey goobtaas.

Hoos ka dhageyso codka goobjoogaha