Khasaare ka dhashay qarax loo dhigay ciidamada DF iyo dagaal ka dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaal toos ah iyo qarax sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galabta ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay 12 kalena way dhaawacmeen qarax miino oo Al-Shabaab ay ku diyaariyeen wadada xariirisa magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere.

Ciidamada ayaa la sheegay in markii qaraxu uu haleelay ay ku sii jeedeen howlgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna kula dagaalameen deegaanka Sinadhaqo oo qiyaastii 30-KM koonfur ka xiga Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalamayaal badan ay kooxda uga dileen dagaalkii ka dhacay deegaanka Sinadhaqo, balse ma shaacin tiro rasmi ah.

Gaariga ay la socdeen ciidmada dowladda ee qaraxu haleelay oo ahaa nooca Cabdibilaha ayaa waxaa watay askar ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya, waxaana goobta ku dhintay hal askari, halka 12-kalena dhaawac looga qaaday, sida aan xogta ku helnay.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sinadhiqo oo ay ka saareen maleeshiyaadkii ka tirsanaa Shabaab oo mudooyinkaan ku sugnaa.

Magaalada Dhuusamareeb oo la filayo inay dhowaan ka billaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jeneraal Yuusuf Raage iyo Agaasimaha KMG ah ee hey’adda NISA Yaasiin Farey.