Taliye cusub iyo ciidankiisa oo qabsaday Beledweyne soona saaray farriin culus

Beledweyne (Caasimada Online) – Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii Maleeshiyo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee magaalada.

Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay Maleeshiyada Beledweyne soo gashay ayaa meel fagaare ah ka sheegay in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

“Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Allah, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta,” ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

Wuxuu intaas ku daray “Horaan u sheegnay dadka meeshaas jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, HirShabelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan waxaan u maleenayaa in malakamoodka Cali Guudlaawe uu yaalo Beledweyne.”

llaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa HirShabelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa ilaa xalay waxay gudaha magaalada ka sameynayeen dibadbaxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan safar lagu waday inuu maanta Cali Guudlaawe ku tago Baledweyne, kaasoo haatan u muuqanaya mid baaqday.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ciidamada hubeysan ee ku sugan inta badan gudaha magaalada Baledweyne, waxaana saaka markale dib u bilaawday banaanbaxyada looga soo horjeedo HirShabelle.

Dhowaan ayaa maamulka HirShabeelle la heshiiyeen Jeneraal Xuud oo hoggaamin jira maleeshiyada Beledweyne balse waxaa muuqata in heshiiska Xuud uusan hadda macno badan sameyneyn oo weli diidmada Guudlaawe ee Beledweyne ay taagan tahay.