Khayre oo u digay ciidanka Ahlu Suna ee la qarameeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumnadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xali Khayre oo la hadlayey warbaahinta ayaa digniin adag u diray ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan kuwii dhowaan la Qarameeyey.

Khayre oo khudbad u jeedinayey ciidamadaasi oo tababar loo soo xiray ayaa sheegay in aan la aqbali doonin ciidan ka wada tirsan dowladda & Ahlu Sunna.

Sidoo kale wxuu ballan in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta iyo xaquuqda dhammaan ciidamadii Ahlu Sunna ee lagu biiriyey kuwa Xoogga dalka.

“Dowladda waxaa waajib ku ah inaad ka heshaan xaquuqdiina,saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee deegaannada Galmudug waxaa ay ku amran yihiin inay ciidamada faraanwaajibkooda, idinku waxaad ka soo wareegteen Ahlu Sunna, laakin laga bilaabo saacadan waa la idinla xisaabtamayaa mana aqbaleyno in aad ka wada tirsanaantaan meeshaad ka tirsanaan jirteen iyo dowladda federaalka.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhismaha ciidanka Xoogga Soomaaliyeed aan loo mari karin qabiil iyo jabhad, islamarkaana laga soo gudbay dhibaatooyinkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladda dhexe iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ay xal ka gaareen khilaafkii ka dhashay heshiiskii ay horay ugu daareen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com