Kheyre oo abaaraha la xiriiray laba arrin oo Soomaalida caado u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu soo bax roobdoon ah oo Maanta ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin xilal muhiim ah ka haya Dowlada Somalia.

Banaanbaxan oo dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Masjidka Isbaheysiga Qaranka ayaa lagu tukaday Salaad Roob doon ah .

Culimadda Soomaaliyeed ayaa Bulshada ugu baaqay in ay Soomaan oo ay Alle Baryaan.

Mas’uuliyiinta ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale.

Dukashada Salaada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan.

Ardayda Dugsiyada Qur’aanka ayaa la’arkayay iyagoo Madaxa ku sita Looxdii ay Quraanka ku dhiganayeen Allana ka Baryayay inuu u naxariisto dadka Soomaaliyeed oo uu siiyo Raxmadiisa, kana dul qaado Abaaraha ka jira Dalka.

Markii Salaada Roob doonka la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaas oo sheegay sidoo kale in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan.

Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda.

“Waxaan idiin balan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo dhibaatooyinka hada jira.”

R/wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dhexdooda isku gurmadaan oo ay isku naxariistaan, maadaama Abaartu haatan ay xoolo beel ku riday dad badan oo soo maaliyeed.