Aqriso: Farmaajo oo Sheekh Shariif u magacaabi raba xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka mid ah saaxiibada ugu dhaw iyo hogaamiyaasha uu talada ka qaado Madaxweynaha la doortey Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan loo magacaabo xil aad u culus.

Wararka laga helayo xarunta Villa Somalia ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal ugu jiryo sidii uu Shariif Sheikh Axmed ugu qancin lahaa inuu kala shaqeeyo dhinacyada nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo hanaankii ay ummadda Soomaaliyeed isu cafin laheyd.

Ilo waareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in loo magacaabi doono Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka, qorshihii ku aadanaa magacaabistaasi ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan meel gabagabo ah marayo.

Maalmaha soo socda ayaa la hadal hayaa inay suurgal tahay in magacaabistaasi la soo bandhigo, ujeeddada Sheikha loogu dhiibayo xilkaasi ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay sii adkeynta xiriirka ka dhaxeeyo Farmaajo iyo Shiikha iyo hanaankii dar-dar iyo nolol cusub loo galin lahaa guddigaasi oo magac mooyee aan iminka waxqabad buuran laheyn.

Guddiga qaabilsan dhanka dib u heshiisiinta Qaranka ayaa iminka la filayaa in la balaariyo hawshiisa, waxaana la hadal hayaa in la siin doono awood dheeraad ah iyo dhaqaale aad u fara badan oo uu ku guto waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Shiikh Shariif Sheikh Axmed oo ahaa Madaxweynihi keenay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu Farmaajo la leeyahay xiriir ku dhisan is aaminaad, wada shaqeyn iyo isku kalsoonaan, dhawaan markii la doortey Madaxweyne Farmaajo waxa uu Sheikh Shariif balanqaaday inuu si hagar la’aan ah uu ula shaqeyn doono.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa loo saadaalinayaa inuu wax badan ku soo kordhin doono arimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya haddii uu si rasmi ah u aqbalo xilkaasi, horey ayuu Sheikh Shariiif u sameeyay Hay’ad Samafal oo la magac baxdey Samadoon Foundation taasi oo waxqabad la taaban karo ka sameysay adeegyadii ay u xil saarneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com