Kheyre oo amar ku joojiyey heshiiskii $112-ka milyan ee maanta lagu saxiixay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku hakiyey fulinta heshiis maanta Muqdisho ay ku kala saxiixdeen wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud iyo Duqa Muqdisho kaasi oo ku kacaya 112 Milyan oo dollar

Mashruuca heshiiskan ayaa qorshuhu yahay in lagu dhiso magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, ayada oo magaaladiiba ay heleyso 28 milyan oo dollar.

Hase yeeshee qoraal kooban oo goor dhow kasoo baxay ra’iisul wasaare Kheyre, kaasi oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ayaa lagu yiri, “Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada dowlad goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda dowlad goboleedyada.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.”

Amarka kasoo baxay Kheyre ayaa yimid xilli ay heshiiskan aad uga carroodeen dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyo HirShabelle, oo aan mashruucan waxba laga siin, ayada oo aan la aqoon sababta.

Sida aan xogta ku helnay, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa doonaya in lacagta 112-ka milyan ee dollar ah wax laga siiyo labadan maamul ee laga tagay, ee aan la aqoon sababta, hase yeeshee waxaan caddeyn sida ay uga fal-celin doonaan magaalooyinka filayey 28-ka milyan ee hadda ka yar heli doona.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa markii heshiiska la saxiixay sheegay in heshiiskan lagu bilaabayo illaa afar magaalo oo kala ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, balse kuwa kalena ay ku xigi doonaan.