Xasan Muudey: Wasiirada maaliyadda iyo qorsheynta waxey na tuseen cadaawad

Jowhar (Caasimada Online) – La-taliyaha sare ee dhanka Saxaafadda Maamulka Hirshabelle State Xasan Cabduqaadir Muudey ayaa eed kulul ujeediyay labada wasiir ee kala ah maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya.

Muude ayaa madaxda sare ugu baaqay in baaritaan lagu sameeyo cadaawadda ay kula kacaan maamul goboleedyada dalka. Qoraal uu Muudey soo dhigay bartiisa fakebook, ayaa u qronaa sidan:-

Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan kusameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi haayay dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State. Wuxuu si joogta ah Beeyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa maamul goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda dhexe.

Beyle wuxuu kasoo jeedaa Boorame waligiina hal doollar kuma soo kordhin dowladda dhexe, mana qaadan karno nin halkuu kasoo jeeday aan tagi karin uu cansheerteena nagu dhibaateeyo.

Waxaa sidaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda kasoo gaarta dowladda dhexe.

Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal doollar ka keeni karin deegaannada uu kasoo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo kunool uu na dareensiiyo colaad kusalaysan cadaalad darro noo gaar ah.

Ma’ahan wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay kasoo jeedeen ay carqalad joogta ah kunoqdaan wixii aan xaqqa u laheyn. Waxaan mas’uuliyiinta dowladda usoo jeedinaynaa in labaaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku haaayaan dowlad goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.