Maxay tahay ujeedada uu Kheyre maanta gurigiisa ugu tagay Imaamka Mudulood?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta booqasho ku tagay Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumada cusub iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee dalka.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali, ayaa kawada hadlay xaalada dalka iyo Golaha Wasiirada cusub.

Imaamka beesha Mudulood ayaa soo dhaweeyay magacaabida Golaha Wasiirada, waxa uuna sheegay in si dhow ula shaqeyn doono Dowlada.

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha uu ugu hambalyeeyay guusha cusub oo ay ka gaaren magacaabida Golaha Wasiirada.

Imaamka ayaa sheegay inay quraan saaren Ra’isul wasaaaha, Wasiirada iyo Xildhibaanada, waxa uuna tilmaamay in quraan saarka uu ahaa mid loogu duceynaayay Dowlada cusub.

Sidoo kale, Imaamka ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha ay u cadeeyen in Beesha Mudulood ay taageersan tahay, waxa uuna ugu baaqay inaan la taaban xilalkii ay horay u heysteen Beesha Mudulood.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay imaamka beesha Mudulood imaam Maxamed Yusuf Cali, iyagoo si gaara uga wada hadlay arrimo dhowr ah.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kullan kan lamid ah la qaadan doona Imaamyada iyo Nabadoonada Beelaha Soomaaliyeed si ay uga wadahadlaan xaalada dalka iyo in la taageero Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com