Kheyre oo ka digay ficil fool-xun oo ciidamadu ay kula dhaqmaan dadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay in ciidamada dowlada Federaalka ay ku dhiiradaan dhibaateynta dadka shacabka ah.

Kheyre ayaa sheegay inay jiraan dacwado badan oo laga soo gudbiyay ciidamada oo aan la dhaqmin dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in anshax darada askarta qaar ay sii fogeyneyso rajadii laga lahaa is dhexgal dhexmara ciidamada iyo dadka shacabka ah, waxa uuna ka digay in lagu xadgudbo shacabka.

Kheyre waxa uu tilmaamay in rajadoodu ay tahay in anshaxa ciidamada ay ku dhiiradaan shacabka si muwaadiniinta dhan ay isaga diiwaan galiyaan Hay’adaha amniga.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre carab dhabay in dacwadaha ugu badan ee laga soo gudbiyo ciidamada ay tahay inay faquuqaan shacabka isla markaana Hubka Qaranka u adeegsadaan dadka shacabka ah ee iyaga garabka u noqon lahaa.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in askari waliba ay kula xisaabtami doonaan falka uu geysto isla markaana uu saldhig u noqon doono sharciga.

Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in dhankooda ay ka ilaaliyaan sharciga isla markaana ay ka fogaadan waxyaabaha dhibka u keenikara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com