Maxaa ka dhaqan galay go’aankii duqa Muqdisho ee gaadiidka xamuulka ?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa 30-kii October maalin Khamiis ah soo saaray laba wareegto oo la xiriira Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa Booydaha ee isticmaala wadooyinka Muqdisho.

Wareegtada la xiriirtay Gaadiidka Xamuulka ayaa waxa ay ku saabsaneyd in aysan qaadi karin rar Gaariga ka badan, cidii amarkaas fulin weydana in lagu ganaaxi doono lacag dhan 10 Million oo Sh.S.

Sidoo kale Wareegtada kale ayaa waxa ay ku saabsaneyd Gawaarida Booyadaha iyo kuwa xamuulka in magaalada aysan mari karin maalinkii, keliya ay socon karaan 08-da fiidnimo ilaa 07-da Subaxnimo.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la wadaay wareegtadaas ayaa Idaacadda Risaala xilligaasi uga waramay go’aankaas iyo sida uu ku dhaqan geli karo.

Wuxuu sheegay Xalane Saddex maalmood gudahood in warbaahinta uu la wadaagi doono go’aankaas kadibna cidii dhaqan gelin weyda laga qaadi doono talaabo sharci ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10 Milyan oo Sh. So.

Wuxuu kaloo sheegay C/fataax Xalane ujeedada wareegtada in ay tahay sidii loo yareyn lahaa mashquulka iyo ciriiriga ka jira wadooyinka iyo in aysan dhibaato u geysan dadka shacabka ah, fulinta amarkana ay u xilsaareen Ciidamada ilaalada wadooyinka iyo kuwa ammaanka.

Hadaba go’aankaas ma yahay mid dhaqan galay ? waxaana xilligii ay soo baxday wareegtadan laga joogaa muddo 10 maalmood ah.

Gaadiidleyda Xamuulka ayaa si dareen la’aan ah u isticmaala Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, marka laga reebo wadada Maka Al-mukarama oo ammaankeeda aad loo adkeeyay, loona ogoleyn in ay maraan Gaadiidka waa weyn.

Go’aanka maamulka Gobolka kadib weli waxaa muuqata ciriiri iyo mashquul badan oo ka jira wadooyinka Muqdisho, maanta oo Arbaco ah waxaa Gaari Moos siday oo laga shakiyay lagu qabtay meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Xaaji Baasto.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aad ula socda go’aanada isdaba jooga ah ee ka soo baxa Maamulka Gobolka Banaair oo arrintan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen wareegtadan in ay aheyd mid lagu fududaaday oo markii horeba aanan loo sameyn Istiraatiijiyad sax ah.

Waxa ay sheegeen ammaanka Muqdisho inaan lagu sugi Karin in la xayiro Gaadiidka Xamuulka, marii horeba Maamulka Gobolka uu ku qaldanaa hanaanka uu u soo saaray go’aankan.

Dhanka kale Mid ka mid ah Gaadiileyda Xamuulka Muqdisho ayaa sheegay in arrintan ay ku tahay culeys, wuxuuna Gobolka Banaadir ka dalbaday in si kale wax loo dhigo.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u soo saaray amaro kala duwan oo ilaa hadda aanan dhaqan gelin, waxaana ka mid ahaa go’aankii Ciidamada AMISOM looga mamnuucay wadada Maka Al-mukarama maalinkii, taasi oo weli aysan jirin wax ka soo naaso cadaaday, waliba la xusuusto maalin cad in si bareer ah muwaadin Soomaaliyeed Gaarigiisa ay ku jiireen Isgoyska KM4, Ciidamada AMISOM.

W/Q Abdirashiid Ali Dubbad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com