Kheyre oo lagu eedeeyey kala geynta Shacabka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in xukuumadda Kheyre aysan ka shaqeeneyn nabadeynta Galmudug.

Wuxuu sheegay Xildhibaanka oo u warammay Idaacadda Goobjoog , in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu si gaar ah heshiis ula galay Ahlu-sunna, taasina ay keentay in ay caroodaan dhinacyo kale oo maamulkaasi taladiisa wax ku leh.

Xildhibaan Daahir, ayaa sheegay in qaabka ay xukuumadda wax u waddo u muuqato in lagu sii fogeynayo Galmudug, horeyna loo sii wado kala geynta Galmudug.

“Kheyre wuxuu ku mashquulsan yahay maalmaha uu meeshan joogo sidii Galmudug u noqon lahayd mid Xamar laga maamulo”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan degmada Dhuusamareeb, halkaasi oo uu ka wado dhisidda Galmudug loo dhan yahay, walow ay caqabado badan jiraan.

Halkaan ka daawo Farqiga Farmaajo & Kheyre oo la ogaaday iyo Muran ka dhashay dalacsiinta Saadaq Joon

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com