Kheyre oo sheegay hal arrin oo Qadar ka go’an marka ay noqoto Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay dadaalada ay dowlada Qadar ugu jirto nabadeynta Somalia.

Kheyre ayaa sheegay in dowlada Qadar ay wado qorshooyin heer caalami ah oo lagu nabadeynayo Somalia, waxa uuna carab dhabay in dadaalkaasi uu soo bilowday laba bil ka hore.

Kheyre ayaa tilmaamay in Qadar ay garwaaqsatay in Somalia ay u baahan tahay in laga caawiyo Tababarada ciidamada, Horumarka iyo dhaqaalaha waxa uuna farta ku goday in Qadar ay usoo bandhigeen qorshooyinkaasi hordhiciisa.

”Qadar wey ka go’an tahay inay kaalin ka qaadato nabadeynta Somalia, Soomaaliyana waxaa laga doonayaa inay ka faa’iideysato garab istaaga Qadar”

Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa cadeeyay in Qadar uu ka aqbalay dhammaan qorshooyinka lagu kobcinaayo Nabada Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Qadar ay dayici doonto ballamahaasi.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo safarkiisii ugu horeeyay ku gaaray magaalada Doxa, ayaa kulamo la leh madaxda dalkaasi iyo kuwa kale ee ka socda caalamka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET