28.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

27 sano kadib maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacaya Stadium Koonis ?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabanayaa xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed 15 may, waxaana ka qeyb galaya madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa maanta la filayaa in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dowladda Soomaaliya inay magaalada Muqdisho kusoo bandhigyo Mahrajaan muddo ka badan 25 sano aan lagu ciyaarin gudaha dalka Soomaaliya.

Banadir Stadium oo ah midka ugu weyn garoomada hadda lagu cayaaro ayaa waxaa iman doono 1000 cayaaryahan oo matalaya gobolka Banaadir iyo dadweyne ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Illaa 4 Koob ayaa goobta lagu qaadi doonaa, cayaaraha lagu tartami doono waa: Kubadda Koleyga, Kubadda Cagta, Ciyaaraha fudud iyo Kubadda Miiska.

Dhammaan Sportiga 17-ka ee gobolka Banaadir ayaa goobta tagi doona,waxaa kaloo ka soo qeybgalaayo dadweynaha ku nool degmooyinka Muqdisho oo lagu wado mid waliba in ay la timaado astaan iyo calan gaar ah.

Waxaa munaasabadda sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa Folklore Dance iyo cayaaro badan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News