Ganacsiga Muqdisho oo saameyn kala kulmay amar kasoo baxay maamulka

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowaan soo saaray Amar gawaarida looga Mamnuucayo in lagu baakimo  wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho si loo xaqiijiyo Amniga Caasimada oo mudooyinkii dambe Marti u noqotay qaraxyo iyo dilal Qorsheysan .

Sababta ugu weyn ee Wadooyinka qaar ee Muqdisho gaar ahaan kuwa magaalada Halbowlaha u ah waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo in qaraxyo lagu soo qariyo gawaaridaas oo dhibaato badan ay ksoo gaarto dad shacab u badan iyo Mas’uuliyoon ama shaqaale dowladeed .

Wadooyinka laga mamnuucay in Gawaarida la dhigto waxaa ka mid ah wadada dheer ee u dhexeysa 0-KM  ama FIAT ilaa isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana wadadaas qeyb ka ah wadada  ugu mashaquulka badan ee Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho .

Hareeraha wadadaas waxaa ku yaala Ganacsiyo kala duwan, Mehrada ganacsi ee halkaas ku yaala qaar ka mid ah dadka iska leh ama ka shaqeeya waa kuwo Gawaari yar yar  wata, waxana saameyn ku yeeshay Amarka Maamulka gobolka Banaadir .

Kaliya iyaga maaha dadka uu saameynta ku yeeshay amarkaas ee waxaa jira dad ay u fudedeyn jireen adeegyada ay Ganacsigooda uga baahan yihiin oo macaamiil la ahaa kuwaas oo ay ku jiraan Madax, ka tirsan dowlada , Kuwo U sheeya hey’adaha kala duwan ee dalka , Ganacsatada waaweyn ee Magaalada  iyo dad kale oo intooda badan goobahaas ku imaan jiray Gawaari ay si gaar ah u leeyihiin .

Ciidamada Amaanka ayaa lagu arkayaa wadadaas iyadoo ka celinaya gawaarida in lagu hakiyo  , iyagoo hadii gaari taagan wadad geeskeeda arkaan durba dul imanaya kadibna wadaha garigaas ku amraya inuu goobta si dhaqsi ah kaga tago hadii kale uu ciqaab la kulmayo .

Arintaan waxay Mugdi sii galisay Ganacsigii  wadadaas ka socday ,qaar ka mid ah ganacsatadaas ayaa sheegaya inay khasaaro iyo dhibaato bada ku qabaan amarka Bakimka looga mamnuucay wadadaas , waxaana ay sheegeen in xitaa hadii ay gawaaridooda meelo kale soo dhigtaan ay wali caqabanadu ka taagan tahay dadkii ka deegan lahaa oo intooda badan gawaari yar yar wata .

Mid ka mid ah dadka Mehradaha ganacsi ku heysta Maka Al-mukarama ayaa yiri Sidan ” Dhibaato badan ayan amarkaas kala kulanay xitaa hadii aan Garaash kusoo xareynayo oo aan mooto Bajaj ku imaano goobeheyni ganacsiga  dadkii naga adeegsan lahaa oo u badan kuwo baabuur wata ayaa hadana caqabad ka jirtaa , waxaa dhacday in taleefoon la iga soo wacay oo alaab la iga dalbaday , anigoo aanan diyaarin ayuu qofkii gaari ku yimid waxaa markiiba u yimid nin ciidan ah oo ku amray inuu gaariga meesha ka kaxeeyo intii uu alaabtaas sugayay waxaa dhacday in Seddex jeer wax ka badan uu wadadaas ku soo noq noqday ilaa markii dambe aan wadada ugu keeno marka culuska wuxuu nagu sii kordhay amarka kadib macaamiil badan ayaana nooga lumeya hadii ay sii socoto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET