25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Diyarad degi la oo dul heehaabeyso Garoonka Aadan Cadde (Sababta)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Garoonka ay dul heehaabeyso diyaarad u muuqata inay degi la’ dahay.

Diyaaradaani ayaa la sheegay inay tahay nooca alaabaha qaada waxa ayna Garoonka dul heehaabeysaa in kabadan 7 jeer.

Mid kamid ah dhalinyarada ka howlgasha Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in diyaarada ay cago dhigan la’ dahay sababo la xiriira luga oo aan u furmin.

Waxa uu sheegay in diyaarada ay sido alaabo, waxa uuna cadeeyay inay suuragal tahay in dib loogu celsho Garoomada kale.

Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa dhib ku qaba diyaaradaha kasoo dega, waxaana xusid mudan in inta badan diyaaraduhu aysan furan lugaha.

Maamulka Garoonka Xamar ayaan wali ka hadal diyaaradaani la sheegay inay dul heehaabeyso Garoonka Aadan Cadde.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News