Kheyre oo sheegay inuu soo saari doono wareegto khuseysa Taabit iyo dhalinyarada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somali Xasan Kheyre ayaa ku amray maamulka gobolka Banaadir shaqaaleysiinta dhalinyaro hor leh.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa amarkaa duldhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit, waxa uuna ku wargaliyay inuu shaqaaleysiiyo ku dhawaad 1000 dhalinyaro oo laga soo kala xuli doono dhammaan dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in amarkiisa uu ku xoojin doono warqad Wareegto ah oo uu soo saari doono, si loo dhaqan galiyo shaqaaleysiinta dhalinyarada Kunka ah.

Waxa uu yiri Ra’isul wasaaraha ”Waxaa rabaa inaan idinku bishaareeyo hadiyadii u horeysay oo ah warqad ka soo baxeysa xafiiskeyga oo lagu amrayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu shaqaaleysiiyo 1,000 dhalinyaro”

Kheyre waxa uu sheegay in dowladda Somalia ay dadaal badan ku bixin doonto shaqaaleysiinta dhalinyaradda Soomaaliyeed meelwalba oo ay jooggaan, sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale, Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in si loo dhiso dalka loo baahan yahay in meel laga bilaabo, isgaoo shaaciyay in dhalinyarada shaqo abuur loo sameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com