Waa kuma maamulka kaliya ee Somalia ee ka niyad-jabay guul-darradii Raila Odinga

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ee looga guuleystay doorashadii dhacdday 8-dii bishan ayaa intii uu ku guda jiray ololahiisa doorasho waxyaabihii uu balan qaaday waxaa ka mid ahaa inuu Somaliland u aqoonsan doono dal ka madax bannaan Somalia.

Mr. Odinga ayaa balan ku qaaday inuu soo ka dhabeyn doono rajada Somaliland ay weligood qabeen oo ah in mar kaliya loo aqoonsado dal madam banaan oo ka go’ay Somalia.

Hase ahaatee Somaliland ayaa guuldarada Raila Odinga u aragtay mid rajadii ay ka lahaayeen Kenya inay u aqoonsato dal madax bannaan ay ceel ku dhacday.

Raila Odinga ayaa sidoo kale, ballan qaaday in uu ciidamada Kenya kasoo saari doono gudaha Somalia haddii uu guuleysto.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaayo” ayaa markii ay ka war heleen guusha Uhuru Kenyatta uu isla xalay hambalyo u diray madaxweynaha markii labaad guuleystay.