Kheyre oo sheegay xiliga la bilaabayo dhismaha eaddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye uu billaabanayo Bisha soo socota ee May.

Dhismayaasha Waddooyinkan waxaa horay u ballan qaadday Dowladda Qadar oo sheegtay in lacag dhan $200 Milyan ay ku bixineyso Mashaariicda dhismaha waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Ra’isalwasaaraha waxaa uu maanta ka hadlayay kulan lagu magacaabay daahfurka tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladd ay la dagaallameyso musuq maasuqa,isaga oo sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in Canshuurta laga qaado shacabka aysan ku bixinin dowladda dad aan dowladda u shaqeyn.

Dhinaca kale munaasibadda maanta ee lagu daah furayay mashruuca tirakoobka shaqaalaha ayuu Ra’isalwasaarah magaca uga beddelay dadka ka fariista shaqooyinka dowladda ee howlgabka loo yaqaan waxaana uu u bixiyay Abaalgurte.

Hadalka Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo beegmaya xili wadooyinka dhexmara caasimadda muqdisho qaarkood ay biyo fariisimo yeesheen sababo laxiriira roobabka daya.

Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
Caasimada@live.com