Dagaal xooggan oo ka socda degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamo milateri ah oo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya isla markaana ay isu adeegsanaayan hubka noocyadiisa kala duwan.

qaar ka mid ah Dadka deegaanka ayaa sheegaya in  ay hal mar ka warheleen dagaalka oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,waxana ay cabsi soo wajahday dadka ku nool degmada Balcad.

Dagaaladda dhexmara ciidamadda kawada tirsan dowladda soomaaliya ayaa mararbadan kusoo laalaabta guud ahaan dalka oo dhan.

Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
Caasimada@live.com