Maalintii uu general Caydiid ruxay Addis Ababa (qormo xiiso badan)

Jiilkii hore, kii dhexe iyo kan dambe haddii aan halbeeg uga dhigno aqoonta ay u leeyihiin Janankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed – Maxamed Faarax Caydiid waxaa ku soo baxaya natiijooyin kala duwan.

Jiilkii hore ee hadda nool – Caydiid waxa ay kuugu sheegi karaan in uu ahaa; Halgamaa siyaasadeed, xoreeyee, dagaalyahan iyo dilaa aan arxan lahayn.

Jiilka dhexe – Caydiid waxa uu ahaa – Xoreeye, geesigii ka adkaaday Mareykanka, halyey Hawiye

Jiilka cusub – Ama intaas kore oo ay maqleyn ayey si caad saran yahay (Vague) kuugu sheegayaan ama  waxa ay ku weydiinayaan adiga qofka uu ahaa.

Qormadan kooban uguma talo galin in aan uga sheekeeyo taariikhda qaniga ah ee Janankii Soomaaliyeed Maxamed Faarax Caydiid balse waxaan ku soo gudbin doonaa taariikh aad u xiiso badan oo ka dhacday Adis Ababa oo uu Jananku sabab u ahaa.

Waxaa marag ma doonto ah in Janan Caydiid qeyb ka ahaa kacdoonaddii hubeysnaa ee sababta u ahaa in uu meesha ka baxo taliskii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Waa taariikh kale oo aan ka cudur daaranayo in aan qormadan uga faalloodo, ugu yaraan waa dood ii maalin kale ah.

Markii ay dhacday dowladdii dhexe bilowgii sagaashamaadkii, Caydiid waxa uu saldhig ka dhigtay Muqdisho oo uu daraf ka haystay halka darafka kale ay joogeen Cali Mahdi iyo xulufadiisa. Taas waxa ay daliil u tahay in magaaladu qeybsaneyd taas oo ahayd xuduntii qaranka, aragti kugu hoggaamineysa in aadan cidna weydiin in dalka intiisa kale jiho lunsanaa.

Si loo dhiso dowlad dhexe oo dalka looga saaro xaaladihii cakirnaa, waxaa shirkii ugu horreeyey Soomaalida loogu qabtay Djibouti balse waala eeday oo waxa uu dhalay dagaalkii afarta bilood ee lagu hootay.

Yeelkeede, lama quusan, Qaramada Midoobe ayaa go’aansatay in shir ballaaran oo ay ku dhan yihiin kooxihii siyaasadda isku diidanaa  loogu qabto Addis Ababa – xarunta Itoobiya, bishii Maarso, 1993.

Shirkii waxaa isugu tagay kooxihii iska soo horjeeday ee ay kala hoggaaminayeen Caydiid iyo Cali Mahdi – Caydiid waxaa ku koox ahaa Cabdullaahi Yusuf, Axmed Cumar Jees.

Markii uu shirkii furmay balse wali Caydiid Joogo Muqdisho, kooxihii shirka ka qeybgalayey ayaa ka codsaday Caydiid in uu shirka keeno Jabhaddii SNM oo aan markaa qeyb ka ahayn.

Caydiid, waxa uu waraaq u diray Cabdiraxmaan Tuur oo markaa ahaa hoggaamiyaha SNM isaga oo ugu dhiibay Cumar Salaad Cilmi oo Hargeysa ka noqday Gobolnatoori iyo Duq Magaalo  – waxa ay isku hayb ahaayeen Caydiid, Habargidir, Sacad, reer Hilowle, horena waxa uu uga tirsaaa Xisbigii Hanti-Wadaagga.

Maxaa xigay? Waxaa isku dhacay Qaramada Midowbay iyo Caydiid, sababtuna waxa ay ahayd in Caydiid tuhmay in ay Cali Mahdi la rabeen Madaxweyne ama qof kale oo aan isaga ahayn.

Waxaa bilowday dagaalkii u dhexeeyey Caydiid iyo Mareykanka oo socday intii u dhexeysay Juunyo ilaa iyo Oktoober.

Bishii Nofeember 1993 ayey UN-tu codsatay in shirkii Addis Ababa ka socday ka soo qeybgalo Caydiid, balse wuu ka baqay in uu aado.

Shirka ma socon karin Caydiid oo ka maqan, taas si xal loogu helo, Raisul Wasaarihii Itoobiya, Melez Zenawi ayaa ka codsaday Axmed Cumar Jees in uu shirka keeno Caydiid isaga oo u sheegay In Itoobiya damaanad qaadeyso in aan lagu xadgudbin.

Ugu dambeyn, Caydiid damaanaddii Itoobiya siisay wuu aqbalay waxaana diyaarad ay UN-ta lahayd looga qaaday Muqdisho.

Markii uu ka dagay Addis Ababa, waxaa dhammaan jidadka magaaladda Addis Ababa isugu soo baxay  shacabkii Itoobiya, SOO DHAWEYN HALYEY ayey u sameeyeen. 

Sababata ay Itoobiyaanka ugu soo bexeen Caydiid waxa ay ahayd iyaga oo maqlay in uu ka adkaaday Mareykanka waxa ayna u arkayeen in uu KIBIR JEBIYEY Mareykankii ISLA WEYNAA!

MAXAA XIGAY?

Waxaa aad uga carooday dibadbaxyada lagu soo dhaweeyey Janan Caydiid garabkii kale ee shirka joogay kuwaas oo gebi’ahaanba ka baxay shirka.

MAXAA SABABAY?

Garabka shirka ka baxay waxa ay moodeen in UN-ta iyo Itoobiya  u ololeenayaan Caydiid oo isaga meesha lagu dooran doono.

Raggii caanka ahaa ee shirka ka baxay waxaa ka mid ahaa; Cabdulqaadir Zoope,  Cali Mahdi, Maxamed Abshir Hammaan iyo Cumar Masalle.

DHAMMAAN EEBE HA’UNAXARIISTO INTII GEERIYOOTAY INTA NOOLNA EEBE CIMRI DHEER IYO CAAFIMAAD HA SIIYO.

……………………………………

W/Q: Maxamed Muuse Maxamed Aadan (Maxamed Kaafi).

Igala soo xiriir Facebookeyga ama Emailkeyga ee hoos ku qoran

https://www.facebook.com/unique.lawyer

XIGASHO: Janan Jaamac Maxamed Qaalib.

EMAIL: Muhamedkaafi@gmail.com