Xoosh: “Wasiirada way u tartami karaan gudoomiyaha BF iyaga oo aan iscasilin”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukumadda Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in aan loo baahneeyn in ay iscasilaan  xubnaha wasiirada ah ee u tarmaya gudoomiyaga golahacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Isagoo ka jawaabayay su’aal uu sheegay in Saaxibbkiis uu soo weeydiiyay ayuu Wasiir xoosh bartiisa facebook u soo qoray in Wasiirka u hanqal taagaya kursiga Guddoonka Golaha Shaacbka ay xilka wasiirnimo ay iska casili karaan markii ay kursiga ku guuleeysto oo kaliya.

Guddiga guddiga Doorashadda ee gudoomiyaha golaha shacabka ayaa Wasiiradda kusiga daneeynaya hordhiga shuruud ah in ay xilkooda iska casilaan ka hor inta aysan sameyn isdiiwaan gilinta xilka guddoomiyenimo.

“Qof Wasiir ah ahna Xildhibaa waa inuu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wasiir Xoosh soo dhigay bartiisa Facebook taasoo ku qorneyd luuqadda Ingiriiska