KHEYRE oo wasiir cusub u magacaabaay xilkii uu iska casilay Cabdifataax Geesey

Muqdiso (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa durba Buuxiyay booskii shalay uu iska casilay wasiirkii Howlaha Guud iyo dub u dhiska.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa loo maacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya, sida ay baahisay wakaalada Wararka qaranka Soomaaliyeed.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday”

“Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow, wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin”.

Maalintii Shalay C/Fataax Ibraahim Geeseey ayaa iska casilay xilkaan, waxaana u sababeeyay culeesaadka siyaasadeed ee heysta Koofur Galbeed.

Waa Xilkii ugu horeeyay oo Saacado gudaheed la buuxiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com