Kheyre vs Shoole: Maxaad kala socotaa dagaalka rugta ganacsiga Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu soo waramayaa inuu ku amray Wasiiradda Ganacsiga inay ka laabato Qoraalka ay soo saartay ee ay ku baab’isay rugta ganacsiuga, kuna soo laabato Dalka, balse Wasiiradda oo hadda Nairobi ku sugan waxay ku gacan sayrtay Dalabka Raiisul Wasaaraha, Waxayna u sheegtay in laga soo amray arrintan Madaxtooyadda Somalia.

Agaasime Ku Xigeenka Madaxtooyadda Somalia, C/risaaq Shoole, ayaa lagu waramayaa inuu ka dhaadhiciyay Wasiiradda Ganacsiga inay kala dirto Rugta Ganacsiga Somalia, isagoo danaynayay shaqsiyaad uu isagu wato inuu u soo sharaxo Rugtaasi oo ah halka loo soo marayo Maalgashiga lagu samaynayo Somalia.

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay Wasiiradda ka tirsan Xukuumadda uu hogaamiyo si adag ula hadashay, una sheegtay in Shoole soo amray in la kala diro Rugta Ganacsiga, isla markaana aysan ka laabanayn Go’aankeeda, ayaa lagu soo waramayaa inuu u yeeray Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi oo uu doonayo inuu ku qanciyo inuu soo saaro Qoraal uu kaga hor imaanayo Go’aanka Wasiiradda, taasoo markaas kadib uu soo faragalin doono Raiisul Wasaare Khayre.

Raiisul Wasaare Khayre oo markii hore si adag u amri jiray Wasiiradiisa ayaa muddooyinkan waxaa soo wajahay Culays kaga imaanaya Wasiiro si cad u hor istaagay Amaradiisa oo ay  ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Shaqada ka eryay Xoghayihii Joogtadda ahaa, taasoo keentay in Raiisul Wasaaruhu uu markiiba ku amro Wasiir Ku Xigeenka iyo Wasiiru Dowluhu inay ka hor yimaadaan Amarkaasi.

Wasiiradda Dhalinyaradda, iyo Isboortiga, Khadiijo Maxamad Diiriye ayaa iyaduna Shirka Golaha Wasiiradda dhexdiisa ku af celisay Raiisul Wasaaraha, waxayna u sheegtay inaysan ahayn Arday Iskuul fadhiya ee ay tahay Wasiirad Dad matasha.

Arrinta Runta Ganacsiga waxay u muuqataa inuu ka dhalan doono Khilaaf xoog leh, Waxaana Raiisul Wasaare Khayre oo si cad ugu sheegay Masuuliyiinta Rugtaasi inay sharci darro tahay Warqadda ka soo baxday Wasiiradda Ganacsiga, isla markaana uusan isagu waxba ka ogayn uu samayn doono wax kasta oo suurtagal ah inuu ku baabi’iyo Go’aanka Wasaarad ka tirsan Xukuumadiisu ay gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com