Shan maalin kadib dhacdadii Bariire, meydadka oo aan weli la aasin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida wararka aan ku heleyno waxaa wali lama aasin dadkii lagu dilay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana la sugayaa Natiijada Baaritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ku dhawaad 5-maalmood ayaa ka soo wareegtay weerarkii dadkaan lagu laayay oo ka dhacay Bariire,waxaana badi la sheegay iney ahaayeen beeraley loogu tagay beertooda lana dilay.

Qaar ka mid ah ehalada ayaa inoo xaqiijiyay inaan wali la aasin meydka 10-kii ruux oo seddex ka mid ah ay yihiin Carruur kuwaasi oo wali lahu hayo Cisbitaalka Madiina qeybta Meydadka.

“Nimankii falka ka dambeeyay oo la xukumo ayaa meydadka lagu aasi karaa” sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay, mid ka mid ah ehellada.

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay dowladdu u xilsaartay arrinta Bariire ayaa Isniintii bilaabay wadahadalo ay la yeelanayaan oday dhaqameedyada ka soo jeeda dadkii lagu diley Bariire iyaga oo sidoo kale booqday deegaanka dadka lagu dilay.

Berri oo arbaco ah ayaa la filayaa in ay guddiga uu hoggaaminayo wasiirka amniga ay natiijada baaritaanka hor-dhiggaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre.